4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay waqti la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad
 

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay waqtiga rasmiga ah ee la qaadayo Imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad Dugsiyeedka 2021-2022.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu sheegay in wadatashi dheer kadib in la go'aamiyay in Imtixaanka shahaadiga ee sanad Dugsiyeedka 2021-2022 ay Ardayda u fariisan doonaan tariiqda markey tahay 18-ka ilaa 22-ka bisha Juun ee soo socota.

Qoraalka Wasaaradda waxaa sidoo kale lagu sii wargaliyay Ardayada fasalka 12-aad iney u sii diyaar garoobaan Imtixaanka kama dambeysta ah ee fasalka Dugsiga sare, waxaana Wasaaradda Waxbarashada ay sanad walba hal mar Imtixaanka fasalka 12-aad ka qaada Dugsiyada ku yaala maamul goboleeyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online