4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Guddoonka Aqalka sare oo Maanta kulan la yeeshay guddoonadda golayaasha sharci dajinta dowlad goboleedyada

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenadda Golaha Aqalka sare ayaa Maanta xarunta Golaha kulan kula yeeshay guddoonadda Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka Maanta dhexmaray guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo guddoonnada golayaasha sharci dejinta ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka (DXDF) waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo golayaasha Sharci dejinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Waxaan maanta shir-guddoomiyay kulan miro dhal ah oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare oo aan la yeelannay Guddoonnada Golayaasha Sharci dejinta Dowladaha xubnaha Dowladda Federaalka (DXDF) oo aan ka wada hadlnay xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golayaasha Sharci dejinta DXDF iyo ka wada shaqaynta adkaynta nidaamka federaalaynta Dalka. Kulanka waxaa igu wehliyay Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare ee BFS" ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan ayaa labada dhinac waxay diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta maamul goboleedyada iyo waliba ka wada shaqeynta adkeynta nidaamka Fedaraaleynta dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online