4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Muwaadin reer Jabuuti ah oo Somaliland loogu xidhay eedo uu u jeediyay madaxda Jabuuti awgeed
 

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Aarre Sulayman Cowleed, oo ah muwaadin reer Jabuuti ah oo muddo ku noolaa Somaliland, ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Gabilay oo uu ku noolyahay, kadib dhaliilo  uu baraha bulshada uga jeediyay madaxweynaha Jabuuti.

Aarre oo muuqaal qarsoodi ah iskaga soo duubay gudaha saldhiga booliiska ee Gabilay, ayaa sheegay in aanu garanayn, waxa loosoo xidhay, uuna ka baqanayo in loo gacan galiyo dowlada Jabuuti, wuxuuna shacabka Somaliland ka codsaday in ay bad baadiyaan.

"Waa Aare Sulayman Cowleed oo jeelka Gabilay ku xidhan, oo wax losoo xidhay aan garanayn, markaa, wakaa dee, dadkuna ha i ogaadan waxa laygu xidhay waa waddankii abtiyaaladay, markaa sidii Qalbidhagax in aan la i gudbin, 4 tii milyan ama 9 kii milyan, ee abtiyaaladay ee Isaaq dee ha ii sarakacaan maanta" ayuu yidhi Aare.

Aarre ayaa muuqaal uu soo duubay intii aan la xidhin kahor, waxa uu sheegay in dowlada Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in la aamusiiyo, oo aanu mar danbe Somaliland gudaheeda kasoo dhaliilin madaxda Jabuuti " Saaka waxa isoo gaadhay fariin uu soo faray taliskii Jabuuti, oo uu leeyahay, 'ninka abtiyaaladiin baad tihiine ama muuqaalada ka joojiya, ama noosoo gudbiya' reeraha yagii xagan joogay ayaa lala soo hadlay".

Garyaqaan Guleed Axmed Jaamac (Dafac) oo kamid ah garyaqaanada reer Somaliland ee u dhaq dhaqaaqa xoriyada hadalka, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in loo xaqiijiyay in Aarre loo haysto, dhaliisha uu u jeediyay madaxda Jabuuti.

"Waxa la ii xaqiijiyay in xadhigga Aarre Sulayman Cawleed uu la xidhiidho dhaliilo la sheegay inuu u jeediyay madaxwaynaha Jibuuti. Waxa cid walba oo damiir leh waajib ku ah inuu ugu baaqo xukuumadda Somaliland: 1. In aanay u dhiibin Aarre xukuumadda Jabuuti. 2. Inay xorriyadiisa u soo celiso" ayuu yidhi Dafac.

Wali xukuumada Somaliland may faah faahin xadhiga Aarre oo hooyadii kula noolaa magaalada Gabilay, isla markaana aan si xora ugu noolaan karin waddankiisa Jabuuti, xukuumada Jabuuti oo uu ka fikir duwanyahay awgeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online