4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Midowga Yurub oo madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay howlgalkii la joojiyay ee la dagaalanka Burcad baddeeda

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Guddiga sare ee Midowga Yurub ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh kala hadlay howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad baddeeda Soomaaliya.

Wakiilka sare ee arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa xiriir uu qadka taleefoonka kula sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh, waxaa uu xaqiijiyay inay si faahfaahsan uga wada hadleen howlgalka ATALANTA.

Josep Borrell ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in uu bilaabo waa cusub oo iskaashi oo uu la yeesho Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay madaxweynaha kala shaqeynayaan qorshihiisa ku aadan kala guurka amniga Soomaaliya iyo wax ka qabashada arrimaha halista ku ah midnimada qaranka.

Arrinta howlgalka ATALANTA wakiilka Midowga Yurub ma sheegin waxyaabaha gaarka ah ee mowduucaan ku saabsan oo ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheikh.

Bishii march ee sannadkan ayay ahayd markii golaha ammaanku ka aamusay inuu muddo kordhin u sameeyo howlgalka la dagaalanka burcad baddeeda Soomaaliya.

Dowladdii hore ayaa ku guulaysatay in golaha Qaramada Midoobay uu 13 sano kadib joojiyo sii socoshada howgalka  burcad baddeeda, iyadoo dowladdu sheegtay in aanay jirin wax burcad baddeed ah oo biyaha Soomaaliya ka howlgalla.

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay go’aanka golaha ammaanka kasoo yeeray , iyagoo sheegay in burcad baddeeda Soomaaliya ay dib usoo celin karaan weeraradoodii afduubashada maraakiibta shisheeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]