4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Itoobiya : Taliyihii hore ee ciidamada degaanka Axmaarada oo la xiray

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay Gen. Tefera Mamo oo horey u ahaa Taliyihii Ciidamada degaanka Axmaarada, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku dhex jiray falal lid ku ah dowladda Itoobiya.

Jeneraalkan ayaa xilliga la qabanayay waxa uu ku sugnaa Addis Ababa, iyadoo la sheegay in sirdoonka Itoobiya ay Addis Ababa kaga qaadeen Hilikobtar kuna geeyeen Bahirdar Caasimadda degaanka Axmaarada, halkaas oo maalinimadii shalay ahayd uu kasoo dhex muuqday maxkamad ku taal magaalada Bahirdar.

Jeneraal Tefera Mamo ayaa horey u ahaa Taliyaha ciidanka gaarka ah ee degaanka Axmaarada, iyadoo xilliyadii uu socday dagaalka TPLF uu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalkii lagula jiray TPLF, balse dowladda Itoobiya ayaa xilkii uu hayay ka qaaday, iyadoo aan sababta wali sheegin.

Jeneraalka ayaa wixii ka dambeeyay xilka qaadista, waxaa uu billaabay inuu eedaymo usoo jeediyo maamulka degaanka Axmaarada iyo dowladda dhexe ee Itoobiya, ilaa markii dambe ay dowladdu gacanta ku dhigto.

Dowlad degaanka Axmaarada ayaan wali ka hadlin arrinka Jeneraalkan hore, oo Maxkamadayntiisu ay ka socoto gudaha degaanka Axmaarada, iyadoo xarigga Jeneraalkan uu kusoo hagaagayo xilli qalalaase uu ka jiro degaanka Axmaarada, oo ay isku dhacsan yihiin Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad lamagac baxay FANO, oo aan ku jirin qaab dhismeedka dowladda.

Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya go'aamisay in hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadkan, balse maleeshiyaadkan lamagac baxay FANO ayaa ku gacan seeray go'aanka hub ka dhigista, iyadoo guud ahaan degaanka Axmaarada uu ka jiro qalalaase ka dhashay arrintaas.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]