4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
IMF oo aqbashay codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in saddex bilood ah loogu kordhiyo taageerada dhaqaale ee IMF
 

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa waxay ogolaatay in ay kordhiso muddada taageeradeeda dhaqaale ee ay siiso Soomaaliya, kadib doorashadii madaxtinimo ee todobaadkii hore dhacday.

Taageerada maaliyaddeed ee IMF oo soo socotay saddexdii sano ee ugu dambeysay, taas oo ahayd $400m, ayaa loo qorsheeyay inay si toos ah u dhacayso 17-ka May haddii aysan Soomaaliya helin dowlad cusub.

Todobaadkii hore ayaa guddiga sare ee IMF-ta waxa ay aqbaleen codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo illaa 17ka Ogosto, si loogu taageero madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waqti ay dowladdiisa kusii dhaqaajiso isbedellada la qorsheeyay.

"Muddo kordhintu waxay bixin doontaa wakhtiga loo baahan yahay si loo xaqiijiyo isfahamka dawladda cusub iyo xaqiijinta dammaanad qaadka maalgelinta ee la-hawlgalayaasha horumarinta," ayay tiri Laura Jaramillo, oo madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dad badan ay rajeynayaan in ay soo afjari doonto xiisadda siyaasadeed ee muddada dheer soo jirtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]