4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney heshiis muhiim ah la gaartay hay'adda lacagta Aduunka ee IMF
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay heshiis muhiim ah oo ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo hay'adda lacagta aduunka ee IMF.

War qoraal ah oo uu soo dhigay wasiir Beyle bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya iyo hay'adda IMF  ay wada gaareen heshiis muhiim u ah geedi socodka deyn cafinta iyo dib u eegista wajida 2-aad iyo 3-aad barnaamijka ECF ee dib u habeynta hanaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay in hay'adda lacagta aduunka ee IMF ay sheegtay iney si dhaw ula shaqeyn doonto hay'addaha Maaliyadda dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey'adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka #ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka. IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub iyo Hey'addaha Maaliyadda dalka, si loo gaaro Barta Kamadambeysta" ayuu yiri Wasiir Beyle.

Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor ka qeyb galay shir dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo hay'adda IMF, waxaana go'aanka IMF uu imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay soo gabagabeysay doorashada madaxweynaha 15- kii bishaan May, maadama hay'adda IMF ay ku cadaadineysay dowladda Soomaaliya dhameystirka doorashada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online