4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo hay'adda lacagta adduunka oo gaaray heshiis ku saabsan dayn cafinta
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis ku saabsan geeddi socodka Deyn Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa ka dambeeyay kadib markii IMF), ay soo gabagabeeysey wadahadallo toos ah oo ay la yeesheen dowladda Soomaaliya, waxaana sida warbixinta lagu xusay uu ku xiran yahay inay ansixiyaan guddiga Sare ee IMF.

Inkastoo 18 kii bilood ee lasoo dhaafay ay jireen caqabado, haddana IMF waxay dowladda Soomaaliya ku ammaantay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta dakhliga gudaha iyo xoojinta maamulka maaliyadda dawladda.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey'adda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey'addaha Maaliyadda dalka.

Go 'aan IMF ayaa yimid kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.

IMF ayaa horey u sheegtay haddii la gaaro 17 bisha May inay halis gali doonto taageerada Maaliyadeed ee la siiyo Soomaaliya, haddii aan doorashada Madaxweynaha lagu qaban bisha May.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]