4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Howlgal lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga sameeyay gobolka Sh/hoose
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa ATMIS ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika oo is kaashanaya inay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen degmada Qoryooleey iyo nawaaxigeeda.

Howlgalka ciidamadaan is kaashanaya ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu yahay xaqiijinta amaanka degmada Qoryooleey oo maalmahii lasoo dhaafay dagaalamayaasha Al-shabaab ka geysanayeen falal lidi ku ah amaanka degmada.

Ciidamada ayaa la sheegay in howlgalada ay kusoo qabqabteen tiro ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab, kuwaas oo lagu xiray xabsiga degmada qoryooleey ee gobolka Sh/hoose sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka maamulka degmada qoryooleey ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab inta ay ka saarayaan deegaanada ku xeeran degmada Qoryooleey.

Howlgaladaan ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay kordhiyeen maalmahii dambe weerarada qorsheysan ay ku beegsanayaan xarumaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online