4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dabkii khasaaraha geystay ee Xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dabkii khasaaraha geystay ee xalay ka kacay goobaha ganacsiga ee ku yaala Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku sheegay inuu baddel khayr qabo u rajeynayo ganacsatii Xalay ku hanti beeshay dabkii baaba'shay inta badan ganacsigii ku yaalay Isgoyska Banaadir.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burburiyay dabkii caawa ka kacay isgoyska Banaadir iyo darafyadiisa. Waxaan Alle uga baryayaa baddel khayr leh" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Suuqyada waa weyn ee ku yaala gudaha dalka Soomaaliya waxaa inta badan ka kaca dab noocaan oo kale ah oo geysta khasaare hantiyeed oo soo gaara ganacsatada Soomaaliyeed, dhawaan ayayna aheyd markii dab xoogan uu baaba'shay dhamaan suuqii ganacsiga ugu weyna magaalada Hargeysa, kaasoo hantida ku khasaartay lagu sheegay ku dhawaad 2 bilyan oo doolar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online