4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Madaxweyne Farmaajo "Waxaan mudnaanta siinay midnimada dalkeena iyo dib u habeynta Cadaaladda oo tiir u ah Nolosha"

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweyne Farmaajo oo salaadda Ciidda kadib khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayaa ku boorriyey in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, isagoona xusay in shacabka Soomaaliyeed muhiimad weyn u leedahay ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka.

"Waxaan mudnaanta siinnay in aan ilaalinno midnimado dalkeenna, difaaca sharafteenna iyo horumarinta dowladnimadeenna. Waxaan diiradda saarnay dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka oo tiir u ah nolasha wanaagsan iyo diinteena suubban" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa umadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaallanka waxuu ugu yeeray cadawga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online