4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Soomaaliya iyo Caalamka oo Maanta si weyn looga dabaaldegayo Maalinta koowaad ee Farxada Ciidul Fidriga
 

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Maanta oo Isniin ah ayaa noqotay Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga oo dhamaan dunida oo idil Muslimiinta ay ugu dabaal degayaan Farxada Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Muslimiinta ayaa shalay soo gabagabeeyay bisha barakeysneyd ee Ramadaanka oo ay kasoo soomeen mudo 30 maalmood ah, waxaana maanta ay u dabagaal dagayaan farxada dhameystirka waajibaadka Alle.

Shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida qeybaheeda kala duwan iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah maanta u wada ciideysanaya, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaalooyinka gudaha dalka Soomaaliya lagu arkayaa dhalinyaro fara badan oo aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo is kugu hambalyeynaayo Maalinta Koowaad ee Ciida Fidriga.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka maamul goboleedyada dalka ayaa Maanta si weyn looga wada ciidayaa, iyadoo goobo fagaaro ah iyo masaajida ay ku kala dukadeen bulshada Soomaaliyeed Salaada Ciidul Fidriga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online