4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Safaaradda Maraykanka oo beenisay inay madaxweynaha Soomaaliya lagu casuumay Maraykanka
 

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa caddeysay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha Mareykanka uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Safaaradda ayaa beenisay war maalmahan la isla dhexmaray oo sheegayay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu tagayo dalka Maraykanka, warkaas oo lagasoo xiganayay aqoon-yahan Feysal Rooble oo fallanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Qoraal lagusoo daabacay barta twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka warqabto in madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn ugu howlan yahay dhismaha dowladdiisa.

Maraykanku waxa uu ku booriyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in wakhtiga ku haboon lagu soo dhiso dawlad cusub iyo la shaqaynta madaxda dowlad goboleedyada si loo gaadho Soomaaliya oo nabad ah, oo barwaaqo ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu mudnaanta siiyo xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas'uuliyadda amni ugala wareegaan howlgalka ATMIS,” ayuu yiri Maraykanku.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]