4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Dowladda Imaaraatka Carabta oo 9.5 milyan oo dollar siisay dowladda Soomaaliya
 

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa amray in Soomaaliya la siiyo 35 milyan oo ah lacagta Dirhamka ee dalkaaas, taas oo u dhiganta lacag ka badan $9.5 million oo dollar.

Kaalmadan ayuu madaxweynaha Imaaraatku sheegay inay qeyb ka tahay sida ay dowladda Imaaraadka Carabta u dooneyso inay taageerto dalalka saaxiibka la ah, iyo dadaalka ay ugu jirto horumarinta xiriirkeeda Soomaaliya.

“Hindisaha Imaaraatka Carabta ayaa ujeedkiisu yahay in uu gacan ka geysto haqabtirka baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan ee horumarka, si loo wanaajiyo xaaladooda nololeed iyo in sare loo qaado awoodda dowladda Soomaaliya ee wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta.

Caawintan ayaa kusoo aaday, kadib markii maanta Dowladda Soomaaliya ay sii deysay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo ay afar sano ka hor ku qabatay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]