4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Dab xooggan ayaa goor dhow oo caawa ah ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana kooxaha gurmadka deg-dega ah ay la tacaalayaan deminta dabka.

Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Hodan oo ku sugan goobka dabka uu ka kacay wali kama aysan hadlin dabka ka socda isgoyska Banaadir.

Ganacsatada leh goobaha gubanaya iyo dadweyne kale ayaa soo buux dhaafiyay goobta, taas oo sababeysa in marin ay waayaan gawaarida dab demiska iyo kuwa gurmadka deg-dega.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha…

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]