4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddiga gurmadka Abaaraha

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maanta kulan la qaatay guddiga Gurmadka Abaaraha, kuwaas oo guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee soo noqnoqday.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa guddiga Abaaraha u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono gudigga gurmadka Abaaraha.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddiga Abaaraha dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili abaaro aad u daran ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Guddiga gurnadka Abaaraha ayaa haatan u muuqanaya kuwa wada dadaalo xoogan oo ay doonayaan iney wax kaga qabtaan abaaraha baahsan ee ka jira gudaha dalka, waxayna shalay kulan noocaan oo kale ah ay la qaateen madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online