4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Kenya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Alshabaab
 

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya General Stephen Townsend oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka.

Wadahadallada Madaxweyne Kenyatta uu la yeeshay Gen Townsend oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa ku qotoma nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya.

Uhuru ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka ee ku aadan arrimaha ammaanka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada.

Dhankiisa, Gen. Townsend, oo uu wehliyo Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Kenya Eric Kneedler, ayaa u xaqiijiyay Madaxweyne Kenyatta sii wadista iskaashiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Militariga Kenya.

Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu saxiixay amar lagu fasaxayo boqolaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka in dib loogu soo celiyo Soomaaliya sida uu qoray wargeyska New York Times.

Ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga saaray Soomaaliya bishii Janaayo  2020 oo ahayd maalmihii ugu dambeeyay ee madaxweyne Donald Trump 2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]