4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Cirro: Cida tidhaahda tartami maysaan ayaa Somaliland xumaynaysa
 

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbig waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kadigay in doorashada madaxtooyada Somaliland dib u dhacdo.

Cirro ayaa sheegay in cidkasta oo hor istaagta doorashada madaxtooyada Somaliland, ay Somaliland xumaynayso, isaga oo sheegay in masuuliyada qabashada doorashadu ay madaxwaynaha saarantahay.

"Cida tidhaahda tartami maysaan oo sanduuqa la dhigi maayo ayaa Somaliland wax ka xumaynaysa, xilkuna inama wada saarna ee waxa uu saaranyahay madaxweyne Muuse Biixi, waar bal hadaba ogaada, shacbiga Somalilandow" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in labada xisbi mucaarad ay diyaar u yihiin in la gudda galo, u diyaargarowga doorashada madaxtooyada, isla markaana lasoo afjaro khilaafka.

"In si dhakhso ah loo bilaabo wada hadalka waa u diyaar labada xisbi, diwaangalinta waa u diyaar, doorashada waa u diyaar, in xal si dhakhso ah looga gaadho muranada hadheeyay doorashada waa u diyaar" ayuu yidhi Cirro.

Cirro oo tuhunsan in xukuumadu ku lug leedahay khilaafka guddida doorashooyinka ayaa ku baaqay in aan la faragalin guddida "Waa in koomishanka doorashooyinka qaranka la daayo, fara farayntana laga daayo, loona ogolaado in ay howshoodii bilaabaan".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online