4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Xasan iyo James Swan ayaa ahaa mid is xogwareysi ah, islamarkaana lagu gorfeeyay sida ugu wanaagsan oo ay Qaramada Midoobay usii wadi karto oo ay u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

"Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeedaā€¯ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo saacadahii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isagoona maanta kulan la qaatay Safiiro ka socda dalalka carabta oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online