4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo ka hadlay dhibaatada shidaal yarida ee ka jirta dowlad degaanka Soomaalida
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa shidaal yarida degaanka ka jirta ku tilmaamay mid ay sababteeda leeyihiin dad ganacsato ah oo shidaalkii degaanku helayay sii dhaafinaya degaanka, sidoo kalena ku iibinaya suuqa madow.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu in Shidaalka haatan loo qoondeeyay degaanka Soomaalida uu yahay mid ku filan degaanka, balse dhibka jira uu yahay shidaalkii oo wali laga bixinayo degaanka, iyo iyadoo intii yarayd ee degaanka soo gashay lagu iibinayo suuqa madow.

Dhibaatada kale ee shidaalka ka jirta ayuu Madaxwaynuhu sheegay inay tahay iyadoo kootadii uu degaanku lahaa shidaalka aysan toos usoo galin degaanka, tusaale ahaan Naaftada oo bishan la rabay in degaanka ay soo galaan 252 Booyadood, ay yimaadeen kaliya 155 Booyadood, halka Batroolka oo isagana laga rabay 96 Booyadood, ay yimaadeen 53 Booyadood taasina ay tahay dhibaato guud oo dalka Itoobiya ka jirta, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Isu soo duuboo dhibaatada shidaal yari ee degaanka ka jirta ayaa muddooyinkii dambe waxay ahayd mid xarkaga goosatay, iyadoo magaaloooyinka waawayn ee degaanka Soomaalida laga dareemayay shidaal yari, taas oo keentay in gaadiidka dadwaynaha iyo Bajaajtuba ay safaf dhaadheer u galaan Kaalmaha Shidaalka, oo qaarkood shaqadiiba iska joojiyeen, sababo la xiriira shidaal yarida degaanka ka jira.

Mustafe cagjar wuxuu hadalka kusoo koobay " Haddii aynu niraahno kootada aan leenahay 2 kun oo Booyadood hanaloogu daro, shidaalkuna degaanka laga siisaarayo, magaaladu sidan shidaal yarida ah umbay ahaan".

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]