4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic lagu garaacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe
 

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS in saakay aroornimadii hore tiro madaafiic ah ay ku garaaceen deegaanka Ceelbaraf.

Madaafiicda ayaa ciidanka ATMIS ay ku garaaceen deegaanka ayaa la sheegay iney ku dhaceen guryo ay daganayeen dad shacab ah, hayeeshee aanan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay madaafiicda inta uu gaarsiisan yahay.

Inta badan dadkii daganaa deegaanka Ceelbaraf ayaa bilawgii bishaan isaga barakacay aqaladii ay ku lahayeen halkaasi, kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay 3-dii bishaan weerar xoogan oo khasaare badan geystay ay kula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka Burundi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha dagaalka ay saakay dulheehaabayaan deegaanada Miirtaqwa iyo Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo wada dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maalmahii dambe si aad ah u kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ay gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online