4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
QM oo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqday inuu si degdeg ah ugu dhaqaaqo soo dhisida gole wasiirro oo loo dhan yahay
 

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya la qabtay habeenimadii axada, taas oo uu ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud.

War qoraal ah oo uu Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ka soo saaray magaalada New York, ayuu  ku muujiyay rajada uu ka qabo in Madaxweynaha cusub uu si degdeg ah ugu dhaqaaqo soo dhisida Gole Wasiiro oo loo dhan yahay.

António Guterres ayaa sidoo kale ku booriyay in Dowladda cusub iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan wax ka qabashada caqabadaha Soomaaliya ay wajaheyso.

Wuxuu ku celceliyay taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajeyeeyay inay sii wadaan inay si dhow ula shaqeyaan dowladda cusub si loo hormariyo ajendaha dowlad-dhisidda iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee daran ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay wareegii saddexaad ee codeynta baarlamaanka, kadib labo iyo toban saac oo codeyn ah iyo tirinta codadka lagu jiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]