4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
TPLF oo ka hadashay guushii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa farriin hambalyo ah waxay u direen Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

TPLF waxa kale oo ay sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabaan madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi dhanka amniga gobolka ah la yeeshaan madaxwaynaha cusub.

Hadallada TPLF ayaa laga dheehan karaa in horey aysan isugu fiicnayn TPLF madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay sheegaan in Farmaajo mudadii uu xilka hayay uu Itoobiya kala shaqeeyay sidii TPLF daaqadda looga saari lahaa, isla markaana xulufo dhaw la ahaa Madaxwaynaha Eritariya Isaias Afwerki.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay un loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya, ayaan la ogayn waxa uu ka yeelayo TPLF iyo dowladda Itoobiya, oo labadooduba ay rabaan inay saaxiib dhaw la noqdaan Xasan Sheekh Maxamuud.

TPLF ayaa ah koox wali aysan jirin dhul ay maamulaan, iyagoo u dooda gobol wali ku hoos jira gacanta dowladda Itoobiya, dagaal muddo dheer socdayna kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, lamana oga saamaynta ay ku yeelan doonaan siyaasadda geeska Africa.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online