4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xafiiska la wareegaya kadib bilo ay Soomaaliya ku jirtay xasillooni darro siyaasadeed.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika ayaa u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo Soomaaliya soo xukumayay intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017, waana madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad ku guulaysta doorashada Soomaaliya.

"Boqortooyada Midowday (UK) waxay rajaynaysaa inay sii waddo shaqadeeda dhow ee lagu taageerayo dhisidda xasilloonida, la dagaallanka Al-Shabaab iyo taageeridda dadka ay saameeyeen abaaraha ba'an," ayay wasiir Vicky Ford ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Urur goboleedka Bariga Afrika IGAD ayaa isna soo dhoweeyay oo u hambalyeeyay madaxwyenaha cusub, iyagoo sheegay in guusha Xasan Sheekh Maxamuud ay marag cad u tahay kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan tayadiisa hoggaamineed.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa marar badan ka digay dib u dhacyada doorashada in ay khatar ku tahay ka jeedinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]