4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Dowladda Soomaaliya oo dib u fasaxday shaqada garoonka Aadan Cadde

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kadib muddo ka badan 24 saac ah oo lagusoo rogay Bandow la xiriiray arrimaha doorashada madaxweynaha.

Qoraal kasoo baxay maareeyaha garoonka diyaaraddaha ayaa lagu sheegay in la fasaxay diyaaradaha imaanaya iyo kuwa ka baxaya Aadan Cadde, iyadoo la sheegay inay shaqada garoonku caadi kusoo laabatay kadib markii doorashada lasoo gabagabeeyay.

Garoonka Aadan Cadde ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad u noqday mid mashquul badan, maadaama ay Muqdisho kusii qulqulayeen dad badan oo doonayay inay doorashada goob joog ka noqdaan ama kuwo doonayay  inay ka qeyb galaan ololaha musharraxiinta.

Tani waxay keentay inuu kor u kaco qiimaha lagu raaco diyaaradaha u safra Muqdisho. Sidoo kale, garoonka ayaa mar kale galidoona mashquul kale oo ah soo laabashada masuuliyiintii iyo shacabkii ka tagay gobolada dalka iyo kuwa dibadda ka yimid.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]