4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Mid ka mid ah Ergadii Golaha Shacabka soo dooratay oo Baledweyne lag dilay
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolo ku hubeysnaa ayaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ergadi dooratay kursiga tirsigisu yahay HOP 058.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Muxumed Geedi, kaasoo dilkiisa uu ka dhacay xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsatay dableyda hubeysneyd ee dilka fulisay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay marxuumka, kuwaas meydka kasoo qaaday goobta, inkastoo aysan jirin cid ay soo qabteen dilkaasi dhacay.

Taliyaha Saldhiga degmada Baledweyne Cabdibishaar Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan kiiska dilkii xalay dhacay oo u tilmaanay iney la xariirinayaan Al-shabaab.

"Mudo bil iyo bar ayaan aniga taliye ka ahay Baledweyne inta aan joogana afar kiis oo dil ah ayaa dhacday laba ka mid ah wan so qabanay, kana baaritaankiisa wan wadna marka afar kiis hadaan laba kasoo qabanay waxa muqata inaan shaqo qabanay, habeen walba ciidankeena way roondeeyaan" ayuu yiri taliye Cabdibishaar.

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee lagu beegsado shaqsiyaadka caanka ah iyo xubnaha ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana inta badan sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online