4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhacaysa Muqdisho

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - In ka badan 300 oo xildhibaan ayaa maanta isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo magaalada Muqdisho oo doorashadu ay ka dhacayso uu saaran yahay bandow.

Musharraxiinta madaxweynaha ayaa illaa xalay loolan adag ugu jiray helitaanka kalsoonida xildhibaannada, iyadoo xogta aan helayno ay sheegayso in musharraxiin badan ay xalay lacago u qeybiyeen xildhibaannada.

Illa iyo hadda lama saadaalin karo cidda ku guulaysan karta doorashada, hase ahaatee madaxweynayaasha dalka soo hoggaamiyay ayaa doorashada safka hore kaga jira.

Doorashadan ayaa si aad ah uga saameyn badan doorashooyinkii hore, maadaama in ka badan hal sano doorashadu dib u dhacday iyadoo aan heshiis jirin.

Madaxweynaha talada haya ayaa kamid ah musharraxiinta tartamaya, isagoo doonaya inuu dhigo taariikh cusub oo ku saabsan inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer la doorto.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa si aad ah isha ugu haysa doorashadan, iyadoo xalay xildhibaannada labada aqal ugu baaqday inay doortaan musharrax dalka ka saari katra xaalladda uu ku sugan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]