4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso Doorashada Madaxtinimada
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la soo gaba gabeeyay diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarreeye Guuto Keith Katungi oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya, oo kormeer ku tagay goobta doorashada ka dhacayso, ayaa kula dardaarmay saraakiisha ATMIS inay masuuliyad adag iska saaraan ammaanka teendhada Afisyooni ee doorashadu ka dhacayso.

Sarreeye Guuto Katungi ayaa si dhow ula shaqeynaya guddoomiyaha guddiga amniga doorashada ahna taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya, Gen Cabdi Xasan Xijaar.

Keith Katungi ayaa sidoo kale la kulmay dhowr xubnood oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana uu uga warbixiyey qaabka loo sugayo amniga Xildhibaanada iyo arrimaha kale ee doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, amniga gudaha, oo ay ku jiraan sugidda amniga goobta ee doorashadu ka dhacayso ayaa hoos tagta ciidamada Uganda.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada Madaxweynaha oo la filayo maalinta Axadda ee 15-ka May 2022, ayaa billaabatay, iyadoo shalay lasoo gabagabeeyay dhegaysiga khudbadaha musharraxiinta.

Ku dhowaad 40 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb qaadanaya doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]