4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Dagaal xooggan oo udhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna oo ka socda magaalada Dhuusomareeb
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna Waljamaaca ayaa saakay waaberigii ka bilowday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamada Ahlsunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug, sida saldhigga Dhuusomareeb iyo xarumo kale oo ciidan.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo dadku ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.

Lama oga waxa dagaalkaan dhaliyay, hase ahaatee tan iyo markii Ahlusunna laga saaray magaalada Guriceel waxay abaabul ciiddan ka wadeen tuulada Bohol oo hoos tagta degmada Dhuusomraeeb.

Saraakiil katirsan Galmudug oo saakay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay magaalada Dhuusomareeb kusoo qaadeen Ahlusunna.

Saraakiisha waxay sheegeen in dagaalku meelo yaryar haatan uu ka socdo islamarkaana ciidamada Galmudug ay sii baacsanayaan ciidamada weerarka kusoo qaaday magaalada Dhuusomareeb.

Dagaalkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo madaxdii Galmudug ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kuna mashquulsan yihiin loolanka siyaasadeed ee doorashada madaxweynaha dalka.

Sannadkii hore, dagaal Galmudug iyo Ahlusunna ku dhexmaray magaalada Guriceel waxaa ku geeriyooday soddomeeyo qof, boqolaal kun oo shacab ahna way ku barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa xusid mudan in tan iyo waqtigaas aan wax heshiis nabadeed ah laga gaarin colaadda labada dhinac u dhaxeysa, iyadoo ciidamada Ahlusunna ay dhowr jeer weeraro jidgal ah la beegsadeen ciidamada Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]