4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka haray tartanka doorashada, isagoo u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Cabdikariin Xuseen Guulleed oo kamid ah musharraxiinta isku diiwaan galiyay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa isaga haraya tartanka doorashada, isagoo u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan  Cabdishakuur oo sannadkan loo arko inuu kamid yahay musharraxiinta ugu cadcad, ayaa isaga iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed waxay xalay sameysteen isbahaysi siyaasadeed oo lagu doonayo in Galmudug xoogga saarto sidii loo dooran lahaa hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Qoraal uu saacado ka hor bartiisa Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayuu ugu mahad celiyay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu xaqiijiyay inuu u tanaasulay, si uu guul uga gaaro tartanka doorashada madaxtinnimada.

Wuxuu sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xildhibaannada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Galmudug, kuwaas oo qorshahaan door weyn ka qaatay

Cabdikariin Xuseen Guuleed, lama filayn inuu ka haridoono tartanka doorashada madaxweynaha, marka loo eego waqtiga dheer ee uu kusoo jiray ololaha doorashada hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]