4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Maraykanka: Somaliland waxaanu ula shaqaynayna si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in saraakiisha AFRICOM, ay Somaliland u yimaadeen si ay u xoojiyay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya.

Qoraal ka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu Somaliland ula shaqaynayo si lamid ah dowlad goboleedyada ka dhex jira Soomaaliya, iyo iyada oo la ixtiraamayo siyaasada Maraykanka ee ah "Soomaaliya kali ah".

"Madaxdu waxay ka wadahadleen balaadhinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland, si la mid ah dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka, oo waafaqsan siyaasadda Maraykanka ee "Soomaaliya keli ah", waafaqsana Dastuurka Soomaaliya" ayaa lagu yidhi qoraalka AFRICOM.

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka ayaa sidii hore kasoo fiicnaanaya tan iyo safarkii madaxweyne Biixi uu ku tagay Washington bishii March, waxaana laga yaaba in iskaashi amaan iyo mid dibulumaasiyadeed dhexmaro labada dhinac.

Madaxda ugu saraysa Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa Khamiistii maanta safar ku yimid Somaliland, iyaga oo booqday magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online