4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Gud. Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku gacan saydhay guddidii madaxweynaha
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Somaliland marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi, ayaa ku gacan saydhay guddi baadhiseed oo uu madaxweyne Biixi u xil saaray khilaafka maamul ee ka dhexjira guddida.

Kaltuun ayaa sheegtay in anay jirin wax dhib ah oo ka dhacay guddida dhexdeeda, "Ma jirto wax dhib ah oo ka dhacay Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ... waxa kaliya ee ay sameeyeen is badal ku yimid hogaanka, iyada oo la badalay guddoomiyihii hore ee Cabdirashiid Riyo-raac, la doortayna guddoomiyaha cusub ee Kaltuun Sh. Xasan oo aniga ah, 27, 4, 2022".

Marwo Kaltuun ayaa sheegtay in aanu jirin wax khilaaf maaliyadeed ah oo ka dhexjira xubnaha guddida doorashooyinka, sida lagu xusay qoraalkii uu madaxweyne Biixi ku magacaabay guddida baadhiseed.

"Doorashada waxaa loo maray hab sharci ah oo markii horeba lagu doortay guddoomiyihii hore sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka ... may jirin, manay dhicin marna wax khilaaf maaliyadeed ah oo xubnaha koomiishanka doorashooyinku ay codsadeen, waxaase jiray khilaaf maamul oo soo jireen ah oo uu abuurayay guddoomiyihii hore" ayay tidhi Kaltuun.

Waxay ku gacan saydhay guddida baadhiseed ee uu madaxweyne Biixi u magacaabay baadhista khilaafka xubnaha guddida, iyadoo sheegtay in anay ahayn guddi dhex dhexaad ah.

"Waxaanu diyaar u nahay in lasoo diro guddi baadhiseed oo madaxbannaan, oo baadha arrimaha Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaana aanu rumaysanahay in guddida hada lasoo magacaabay anay ahayn guddi dhex dhexaad ah" ayay tidhi Kaltuun.

Waxay sheegtay in guddoomiyihii hore ee guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu isagu khilaafka abuuray kadib markii xilka looga qaaday musuq maasuq uu sameeyay awgii, 27 bishii Abriil ayaa codayn ay sameeyeen xubnaha guddidu ku badaleen hogaankii guddida, iyadoo Kaltuun loo doortay guddoomiye, talaabadaas oo uu Riyo-Raac ku gacansaydhay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online