4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Xasan Sheikh: Waxaan idiin ballan qaadayaa in qof Muwaadin ah aan gacan shisheeye loo dhiibi doonin
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goor dhowayd khudbadiisa musharraxnimo ka jeediyay hoolka barlamaanka, halkaas oo ay maalintii labaad ka socoto dhegaysiga hadal jeedinta musharraxiinta u taagan madaxweynaha.

Madaxweyne hore Xasan Sheikh ayaa khudbadiisa ku sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya uusan muwaadin Soomaaliyeed u gacan galin doonin dal shisheeye iyo sidoo kale inuusan go’doomin doonin deegaan Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa u muuqday mid Xasan Sheikh Maxamuud uu ku weeraray madaxweyne Farmaajo oo dowladdiisu muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax, u gacan galisay dowladda Itoobiya, sannadkii 2017.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa yiri " Waxaan idiin ballan qaadayaa in qof Muwaadin ah aan gacan shisheeye loo dhiibi Doonin, waxaan idiin ballan qaadayaa in qof aan lagu caburi doonin fikirka uu aaminsan yahay, Waxaan idiin ballan qaadayaa in deegaan Soomaaliyeed aan la go'doomin doonin."

Xasan Sheikh ayaa kamid ah musharraxiinta ugu saameynta badan, isagoo doonaya inuu mar kale Soomaaliya madaxweyne ka noqdo. Wuxuuna sheegay haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha inuusan sameyndoonin wax aarsi siyaasadeed ah.

Farmaajo iyo Xasan Sheikh waxay si aad ah ugu kala fog yihiin arrimaha siyaasada. Shantii sano ee ugu dambeeysay, Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta aadka u dhalliilsan siyaasada uu dlaka ku hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]