4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee Maalinta koowaad oo soo gabagaboowday
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay hadal jeedinta maalinta koowaad ee Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Maanta khudbadahooda ka hor jeediyay Xildhibaanada labada Aqal 20 Musharax oo mid ah 39-ka Musharax ee isku diiwaan galiyay tartanka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa khudbadahooda uga hadlaayay barnaamij siyaasadeedkooda iyo sidii Xildhibaanadda labada gole ay ugu dooran lahayeen xilka ugu sareya dalka Soomaaliya, waxaana Musharax kasto uu diirada ku saaray hadal jeedintiisa sidii loogu dooran lahaa madaxtinimada Soomaaliya.

Munaasabada hadal jeedinta 20-ka Musharax ee Maanta waxaa goob joog ahaa labada guddoon ee Golaha Shacabka, Golaha Aqalka sare iyo ku xigeenadooda iyo qaar ka mid ah mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Maanta daahfuray Munaasabada, islamarkaana goordhaw soo xiray ayaa sheegay in si wanaagsan ay ugu soo gabagabowday munaasabada hadal jeedinta 20-ka Musharax, isagoona sheegay in berito la dhageysan doono hadal jeedinta 19 Musharax oo ay ka mid yihiin Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Gabagabadii guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee dalka ayaa ka codsaday Xildhibaannada labada Aqal in ay ka soo qeyb galaan hadal jeedinta Musharaxiinta ee loo madal sanyahay maalinta berito oo ah maalinta u dambeysa ee hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha dalka.

Doorashada madaxweynaha  ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15- ka bishaan May oo ku beegan maalin Axada ah, waxaana ka dhiman sadax maalmood oo kaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online