4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Booliiska Soomaaliya oo ka warbixiyay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciiddanka Booliiska Soomaaliya gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay todobo qof ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay wadada KM4 ee lagu baaro dadka u socda garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliiska ayaa wuxuu sheegay in weerarkan lala damacsanaa General Garabey oo katirsan saraakiisha ciiddanka xoogga dalka, kadib markii qof ismiidaamiye ah uu isku dayay inuu daaqada ku dhego gaariga uu la socday sarkaalka oo ahaa Bullefproof.

“Shakhsiga naftii halliga ah wuxuu rabay inuu daaqada gaariga qabsado. Maadaama uu gaarigu BulletProof ahaana way u suurto gali weysay, Janankuna waa caafimaad qabaa,” ayuu yiri afhayeenka Booliiska.

Afhayeenka wuxuu sheegay in todobada qof ee dhaawacmay ay yihiin dad shacab oo ay ku jiraan Bajaajlayaal. Wuxuu sheegay in Qaraxa lagusoo beegay iyadoo lagu jiro xilli doorasho islamarkaana aysan dowladdu shacabka ka xirinin waddooyinka.

Wuxuu sheegay in Alshabab qaraxaan ugu talo galeen sida ay u buunbuuniyaan iyadoo doorasho lagu jiro inay qaraxyo geystaan.

Alshabab oo sheegtay weerarkan waxay sheegeen inay la beegsadeen masuuliyiin katirsan dowladda, kuwaas oo ku wajahnaa Afisyooni oo doorashadu ka dhacayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]