4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Xukuumada Somaliland oo markale sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo
 

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale si kasoo horjeeda shakiga ay mucaaradku ka qabaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumadu ay doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qabanayso.

"Hadalkaa kasoo baxay xisbiyada mucaaradka waxaanu qabnaa in aanu jirin, markasta xukuumadu waxay qabtaa oo ay riixaysa in doorashadu wakhtigeedii qabsoonto" ayuu yidhi wasiir Koore.

Koore oo sidoolale ka hadlay guddida uu madaxweynuhu u saaray khilaafka maamul ee soo kala dhexgalay xubnaha guddida doorashooyinka, ayuu waxa uu sheegay in sharcigu uu madaxweynaha awood u siiyay in uu guddi u saari karo hadii khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha guddida.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa aad uga qayliyay furista urrurada siyaasada Somaliland, oo ay aaminsanyihiin in madaxweyne Biixi uu uga gol leeyahay in uu doorashada madaxtooyada ee qorshaysan in ay qabsoonton 13, November, 2022 dib u dhigo.

Mucaaradka ayaa sidookale ka biyo diidan guddi madaxbannaan oo uu madaxweynahu u saaray khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, iyagoo guddida ku tilmaamay mid aan loo dhamayn oo aan dhex dhexaad ahayn.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online