4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Gudddoonka barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray awaamiir ku aadan amniga doorashada madaxweynaha
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo amniga goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada loo xilsaaray masuuliyadda amniga doorashada.

Guddoonka barlamaamka ayaa waxa uu si cad u sheegay inay ciidamada ATMIS masuul ka yihiin amniga teendhada Afisyooni ee doorashadu ka dhacayso, waxaana ciidamada xoogga dalka ee deggen teendhada la faray inay si kumeel gaar ah uga guuraan, kuna wareejiyaan ATMIS.

Dhinac kale, dhammaan musharraxiinta madaxweynaha ayaa sida awaamiirtu sheegayso laga mamnuucay inay hub la galaan xarunta doorashada, waxaana loo sheegay in amnigooda ay masuul ka yihiin booliiska ATMIS.

Waxaa sidoo kale guddoonka barlamaanku uu sheegay in madaxweynaha la doorto ay amnigiisa la wareegidoonaan ciidamada ATMIS, kuwaas oo geyndoona meel gaar ah oo loogu talo galay in amnigeeda lagu ilaaliyo. 


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]