4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Beesha caalamka soo dhoweysay diiwaan galinta musharraxiinta madaxweynaha

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay horumarka laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha.

War-saxaafaddeed kasoo baxay Beesha caalamka ayaa hoosta looga xariiqay in aanay jiridoonin wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon kara in mar kale uu dib u dhac ku yimaada doorashada dalka.

“Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.

Waxay beesha caalamka ku boorisay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah oo nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay kusoo gabagabeeyaan geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka mudnaanta u leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]