4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray sugida amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Howgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay, iyagoo la tashanaya guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha dalka.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in Bandow lagusoo rogayo dhammaan xerada Afisyooni iyo meelaha ku dhow dhow, laga bilaabo maanta  oo tobanka bisha ah iyo illaa 17 ka bisha may.

Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa haatan ah masuulka ugu sarreeya awood ahaan dalka, illaa iyo inta madaxweynaha Soomaaliya laga dooranyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]