4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Guddiga doorashada madaxweynaha oo sheegay in diiwaan galinta musharraxiinta maanta ku egtahay

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in diiwaan galinta musharraxiinta madaxweynaha ay ku egtahay maanta oo tallaado ah, gaar ahaan afarta galabnimo.

Guddiga doorashada ayaa sheegay musharraxii aan maanta isdiiwaan galin inaysan helidoonin fursad dambe oo lagu diiwaan galiyo si ay uga qeyb galaan doorashada madaxweynaha dalka.

Hadalka guddiga qaban qaabada doorashada ayaa kusoo beegmaya iyagoo aysan weli isdiiwaan galin musharraxiin uu kamid yahay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

32 musharrax ayaa iska diiwaan galiyay guddiga doorashada, kuwaas oo maanta laga sugayo inay gudbiyaan barnaamijkooda siyasadeed ee doorashada.

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid ah musharrixiintii ugu dambeeyay ee shalay isdiiwaan galiyay, isagoo mar kale doonaya inuu dalka sii hoggaamiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]