4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo beenisay in afgambi ka dhacay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) -Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay ku beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay  warar lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariiray in afgambi uu ka dhacay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talayaaniga, kuwaas oo ay ku eedeysay wasaaradda inuu faafiyay Safiirkii hore iyo shaqsiyaad kale oo ku howlan iney dhaawacaan xiriirka taariiqiga ah ee ka dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Waxaa sidoo kale qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga kasoo baxay lagu sheegay in Safiirka hore ee Soomaaliya uu si cad u diiday inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo caqabadaha taagan ee la xariira shaqada Safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo maalmahii dambe jahwareer xoogan uu ka taagnaa dhanka maamulka Safaarada Roma.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku wargalisay Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga iney la socodsiinayso in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si hufan.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Faahfaahsan:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online