4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Jigjiga : Maxaabiis u xirnayd siyaasad oo maanta laga siidaayay Xabsiga magaalada Jigjiga
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xabsiga laga siidaayay qaar kamid ah maxaabiis u xidhnayd siyaasad, oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Jigjiga.

Maxaabiistan lasiidaayay ayaa waxaa kamid ahaa Xabiib Muxumed Yusuf iyo rag kale, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiga Jigjiga, siidaynta maxaabiista waxaa HOL u xaqiijiyay qaar kamid ah ehelada maxaabiista lasiidaayay.

Maxaabiistan lasiidaayay ayaa intooda badan waxay xilal kasoo qabteen dowlad degaanka Soomaalida, waxayna markii dambe labaxeen garabka sixitaanka ee xisbiga PP, kuwaas oo ay dowladdu ku tilmaantay xubno khalkhal galinaya amniga degaanka Soomaalida.

Siidaynta maxaabiistan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa xilli maanta lagu jiro maalintii u dambaysay bisha Ramadan, isla markaana loo diyaargaroobayo ciidda Ciidul Fidriga oo ku beeggan maalinta berri. Dadka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay siidaynta maxaabiistan, iyadoo wali ay jiraan kuwo kale oo wali xabsiga ku haray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]