4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magacaabo Baarka oo ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland deegaanka Baarka ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay dhaawaca ilaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay dagaalka waxay sheegeen iney iska difaaceen weerar kaga yimid dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, islamar ahaantaana ay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, walow aysan shaacinta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ay gaarsiyeen.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay la beegsata xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online