4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Somaliland: Hal qof oo ku dhintay biyo fadhiisin loo sameeyay Dooxa Hargaysa
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wiil 17 jir ahaa, ayaa ku dhintay biyo fadhiisin Dowlada Hoose ee Hargaysa u samaysay Biriijka 1aad ee Hargaysa, kadib markii uu doonay in uu ku dabaasho.

Goobjooge ayaa muuqbaahiyaha Horn Cable u sheegay in wiilka dhintay iyo asxaabtiisu ay biyo fadhiisinkan ku yimaadeen si ay ugu dabaashaan, kadibna uu ku dhacay god ku yaala biyaha dhexdeeda, sidaana uu ku dhintay.

"1:00 duhurnimo ayuu yimid inabo badan ayaa la socday, inamo badan ayaa la socday, markii hore qaar meesha joogay ayuu barayay dabaasha, siduu u dabaalanayay uun buu hoos u dhacay, ciidanka ayaa kasoo saaray oo mid ayaa yidhi wuu dhintay inanku" ayuu yidhi goobjooguhu.

Sidookale goobjooge kale ayaa sheegay in wiilka dhintay uu ahaa ciyaal iskuul wax ka baran jiray mid kamid ah dugsiyada Hargaysa "Isku iskuul ayaanu ahayn kayar oo 17 jir ayuu ahaa, markaa xaafadoodi ayaa u timid oo ambalaas (dhooli) ayaa lagu qaaday oo dhakhtarka ayaa la geeyay".

Biyo fadhiisinka ayay Dowlada Hoose ee Hargaysa ka samaysa hoosta Biriijka 1aad ee Hargaysa, si biyaha maraya dooxu anay u qodin tiirarka biriijka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online