4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
UK oo soo saartay digniin ku aadan weeraro Argigixiso oo qorsheynayaan Alshabaab
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Dowladda UK ayaa soo saaartay digniin sare oo ku saabsan inay Alshabab isku dayayaan inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jiri karto khatar sare oo afduubasho ah.

UK waxay sheegtay inay Alshabaab hanjabaado u jeediyeen reer galbeedka iyo kuwa u shaqeeya ururada reer galbeedka. Waxay sidoo kale sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka jirta cabsi joogta ah oo ku aadan halista weeraro argagaxiso.

“Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan,” ayay tiri dowladda UK.

UK, waxay sidoo kale sheegtay inay jirto khatar sare oo ah dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya, gaar ahaan waxay sheegtay inay khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

UK ayaa digniinteeda Soomaaliya ka reebtay saddex gobol oo kuyaala Somaliland oo kala, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]