5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Guddiga doorashooyinka Heer Fedaraal oo hakiyay Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Baledweyne taala
 

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Heer Fedaraal ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu sheegay in bulshada Soomaaliyeed iyo Daneeyeyaasha Doorashada ay ku wargelinayaan in la hakiyey kuraasta tirsigoodu kala yahay HOP 010, HOP 030, HOP 066, inta laga saxayo habraacooda doorashada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in guddiga heer Fedaraal uu hakiyo doorashada sadaxdan kursi oo Maanta qaar ka mid Musharaxiinta u tartameysa la diiwaan galiyay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Guudlaawe uu ka dalbaday guddiga heer Fedaraal iney hakiyaan doorashada sadaxdaan kursi.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada Heer Fedaraal:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online