5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Yuusuf Dabageed oo beeniyay in Khilaaf uu kala dhexeeyo Cali Guudlaawe
 

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si adag u beeniyey wararka sheegayay saacadahii lasoo dhaafay inuu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle, isagoona tilmaamay in ay wararkaasi faafinayaan dad dano gaar ah leh.

“Madaxweynaha iyo aniga Madaxtooyadda saaxiib baanu lanahay, annaga arragtideena ayaan wax ku wadnaa, cidna nama soo faro galin, mana jirto wax khilaaf ah oo nasoo kala dhexgalay tan iyo markii nala doortay, majirto sabab aan aniga ku diidayo doorasho furan horayna wannu sheegay hadana waan sheegaya inaan qabaneyno doorasho furan” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Hadalkaan kasoo yeeray Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay khilaafka la sheegay inuu soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa Hirshabeelle oo ku wada sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online