5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Baydhabo


Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabtay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo.

Kursi koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baydhabo oo tirisigiisu yahay HOP 099 waxaa kusoo baxay Axmed Madoobe Nuunow oo heley codad gaaraya 75 cod, halka musharaxii la tartamay ee Cabdinasir Ibraahim Aadan uu helay 25 cod.

Kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP 168 waxaa kusoo baxday Luul Ibraahin Cumar oo heshay codad gaaraya 86 cod, halka musharaxii la tartamaysay oo aheyd Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15 cod.

Kursiga sadaxaad oo tirsigiisu yahay HOP 167 waxaa ku guuleystay Cabdisalaan Cali Cabdi oo heley codad gaaraya 74 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23 cod.

Kursiga afaraad oo tirsigiisu yahay HOP 077 waxaa ku guuleystay Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo heley codad gaaraya 83 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13 cod, waxaana halaabay hal cod.

Kursiga shanaad ee HOP 186 waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Cumar Macalin oo heley codad gaaraya 75 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabduqaadir Aadan Cali  uu heley 25 cod, waxaana halaabay hal cod.

Kursiga lixaad oo sumadiisu yahay HOP 261 waxaa kusoo baxau Saalax Shariif Siid Cali oo heley codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayay ismaciil Shariif Cali uu heley 10cod, waxaana halaabay hal cod.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online