5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo
 

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku qabtaan doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa Shalay soo gabagabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan u tartamida lixda kursi ee ka mid ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Kuraasta lixda ah ee Maanta lagu wado in doorashadooda ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa kale ah sumadoodu kala tahay HOP 261, HOP 077, HOP 099, HOP 167, HOP 168, HOP 186.

Kuraasta Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Baydhabo waxaa ku jira kursiga HOP 261 oo maalmo ka hor loo diiday Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu kursigaasi u tartamo, waxaana ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay wiil uu dhalay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kursiga loo diiwan geliyay iney ku tartaman Saalax Shariif Sayid Cali oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed iyo Ismaaciil Shariif Cali.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online