5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka qabashada doorashada sadax kursi oo Gaalkacyo lagu dooranayo

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kuraasta jadwalka qabashada doorashadooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP 038, HOP 069, HOP 095, waxaana kuraastaasi ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odaawaa, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Khaliif Dhalac.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in 11-ka bishaan Maarso 2022 oo Jimcaha ku beegan shahaadada musharaxnimada qaadanayaan u tartamayaasha sadexda kursi, islamarkaana doorashada la qaban doono 12-ka bishaan Maarso-2022.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online